• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Monday, March 1, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Xeer ilaalinta Puntland oo mudeeyay wakhtiga la toogan doono saddexda xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha

January 12, 2020
in Wararka
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maamulka  Puntland, ayaa si rasmiya u shaacisay wakhtiga la toogan doono saddexda xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Telefishinka Puntland, oo xiganaya Xeer ilaaliyaha guud dowladda Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa baahiyay in saddexda xukmane Boosaaso lagu toogan doono subaxnimada Talaadada ah, ee ku beegan 11-ka bisha soo socota ee February 2020 saacaddu marka ay tahay 8:00am subaxnimo.

Saddexda xukmane oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden.

Raggaasi, ayaa Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, Maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilka lagu riday saddexda xukmane, balse dib u eegis ay ka qaateen ayey mar kale Maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019.

Ugu dambeyntii, xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku wareejiyay Galka fulinta Xukunka, oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka qoyska Caa’isha Ilyaas.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Maxey safiiradda UK ee Soomaaliya ugu gudbin la’dahay Farmaajo waraaqaheeda aqoonsiga?

Maxey safiiradda UK ee Soomaaliya ugu gudbin la’dahay Farmaajo waraaqaheeda aqoonsiga?

February 28, 2021
Cudur halis ah oo ka dilaacay dalka Kenya

Cudur Geela ku dhaca oo laga cabsi qabo inuu u soo gudbo dadka Kenyatiga

February 28, 2021
Shacabka Soomaaliyeed oo laga qaiyay hal qodob oo muhiim ah oo ku saabsan Heshiiskii Mucaaradka iyo Dolwadda

Shacabka Soomaaliyeed oo laga qaiyay hal qodob oo muhiim ah oo ku saabsan Heshiiskii Mucaaradka iyo Dolwadda

February 28, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In