• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Saturday, January 16, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Headline

Laba kamid ah Ragii lagu helay kiiskii Ca'isha Ilyaas oo la toogtay

February 11, 2020
in Headline
0
495
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

 

Maamulka Puntland ayaa saakay fagaaro ku yaalla Magaalada Boosaaso waxaa uu xukun dil toogasho ah ugu fuliyeen laba kamid ah Saddex rag ah oo loo xukumay kufsigii iyo dilkii Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisha Ilyaas oo aheyd Gabar 13 jir ah.

Saddexda Ragga ah ee falkaasi loo heystay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige, hayeeshee dil toogasho lagu fuliyey Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey in la toogto C/salaan C/raxmaan Warsame.

Sababaha xukunsanaha saddexaad looga reebay saakay in la toogto ayaa waxaa lagu sheegay in uu codsadey Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan in dib loo dhigo.

Raggan Saddexda ah ee loo heyso kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku ridey xukun dil ah, iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas, kadib markii ay racfaan ka qaateen.

Si kastaba 24-kii February sanadkii 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 13-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray, hayeeshee maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay, waxaana dhacdadaas ay noqotay mid Bulshada Soomaaliyeed badankood ay ka fal celiyeen.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Xubno ka tirsan TPLF oo maxkamad la hor keenay maanta

Xubno ka tirsan TPLF oo maxkamad la hor keenay maanta

January 16, 2021
Maxaa ka jira in ciidamada Liyuu Boolis ay dad ka afduubteen gobalka Hiiraan?

Maxaa ka jira in ciidamada Liyuu Boolis ay dad ka afduubteen gobalka Hiiraan?

January 16, 2021
Sarkaal ka soo goystay Shabaab oo lagu soo bandhigay Degmada Qoryooley

Sarkaal ka soo goystay Shabaab oo lagu soo bandhigay Degmada Qoryooley

January 16, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In