• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Monday, January 18, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Dowladda oo sheegtay ineysan awoodin hadda kadib soo daabulidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Libya

Dowladda oo sheegtay ineysan awoodin hadda kadib soo daabulidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Libya

March 29, 2020
in Dowladda oo sheegtay ineysan awoodin hadda kadib soo daabulidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Libya
0
493
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dhalinyaro Soomaaliyeed  oo joogta Magaalada Tripoli ee Caasimadda dalka Liibiya ayaa  soo sheegay in muddo shan bilood ah ay dhibbaato ku heysato gudaha dalkaas oo ay u tageen kolkii hore in ay kaga sii tahriibaan Dalalka Yurub.

Mid kamid ah dhalinyarada oo la hadlay VOA waxa uu sheegay in muddo saddex bilood ah ay ka daba wareegayeen hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee loosoo gaabiyo UNCHR iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Waxa uu sheegay in ay waayeen cid ka jawaabta dalabkooda ah dib usoo celinta dalkooda, maadaama dhibaatooyin is biirsaday ay ku heysato Liibiya, dhowr jeerna ay u qaylo dhaamiyeen hay’ado kala duwan iyo Safaaradda Soomaalida ee Tripoli.

“Lacag badan ayaan ku bixinay sidii aan u gaari lahayn Liibiya oo aan kaga sii gudbi rabnay Yurub, balse waxa aan la kulanay dhibaato nafsadeed oo nagu sababtay in aynu doorano dib ugu laabashada dalkeena oo aan kolkii hore kasoo tagnay, waxa aan dalbaneynaa in naloo fududeeyo dib ugu laabashada Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dhalinyarada.

Dhanka kale, Danjiraha Soomaaliya ee Liibiya Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo isna la hadlay VOA waxa uu sheegay in aysan awoodin samatabixinta dhalinyaradaan Soomaalida ah ee xanniban Liibiya.

Sababta waxa uu ku sheegay in aysan heli Karin dhaqaalaha lagu qaadayo, xayiraadda caalamiga ah ee saaran dalalka kala duwan ee caalamka sabab la xiriirta Coronavirus iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii kala duwanaa oo yaraaday.

Xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa dhowr jeer oo hore dalal Liibiya ay kamid tahay kasoo qaaday dhalinyaro ku dhibaateysan, kuwaas oo u gacan galay kooxaha lacagaha ka qaata kolka ay qabtaan tahriibayaasha Soomaalida ay qayb ka yihiin ee wadankaan u taga si ay uga sii gudbaan Dalalka Yurub.

Xabsiyo ku yaalla Liibiya waxaa wali ku jira Dhalinyaro u badan Soomaali, kuwaas oo sheeganaya in ay waxyeelo kala kulmaan kooxaha gacanta ku haya, waxaana qalalaasaha ka jira dalkaas uu sababay in ay kordhaan maleeshiyaadka hubeysan ee afduubata dadka si ay lacago madax furasho ah uga helaan.

Mogadishu-Somalia

 

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

January 17, 2021
Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

January 17, 2021
Soomaali laga soo celiyay Mareykanka oo Muqdisho ka soo dagay iyo sababha ka dambeysa oo la ogaaday

Xog laga helay Soomaalida laga soo celiyayy Mareykanka iyo ujeedka ka dambeyb oo la ogaaday

January 17, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In