Wasaaradda Caafimaadka Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixintii Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha dalka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen cudurkan.
6-qof ayaa lagu sheegay in ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu geeriyootay xanuunka COVID-19, taas oo tirada guud ka dhagaysa 13 ruux sida ay qajiisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
Sidoo kale 49-qof oo kale ayaa loo diiwaan geliyey in ay qabaan cudurka Coronavirus, sida lagu shaaciyey warbixinta oo la soo saaro 24 saac oo kaste.
30 kamid ah 49-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 19-ka kalena ay dumar yihiin.
Warbixinta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba qof ay kasoo bogsatay xanuunkaas, waxayna noqoneysaa tiradii ugu badney oo bogsasho ah oo hal maalin la shaaciyo.
Tirada guud ee gudaha dalka Soomaaliya dadka laga helay Coronavirus ayaa gaartay 286 kiis, waxaa u geeriyootay in ka badan 10 ruux, waxaana ka bogsatay xanuunka 6-qof.
Mogadishu-Somalia