Beesha caalamka ayaa ka hadashay soo jeedinta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee 14-kii bishan ku dhawaaqay in la qabanayo shir dhexmara madaxda dowladda federaalka, madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Beesha Caalamka ayaa sheegtay in shirkaas uu yahay talaabo horumar leh oo xoojineysa wada shaqeynta dhinacyada kala duwan, Qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ahba in ay ka faa’iideystaan fursaddan, islamarkaana ay ka heshiiyaan arrimaha ay ka mid yihiin doorasho ka dhacda dalka oo dhan.
“Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada joogtada ah ee loo galay wadahadalka, dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka ka dhexeeya madaxda siyaasadeed. Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa baadi-goobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto [arrinta] Jubaland”
Villa Soomaaliya qoraal ay soo saartay ayaa lagu sheegay in uu ku casuumayo madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir in ay ka soo qeyb galaan shirka amniga qaranka kaasi oo looga hadli doono arrimo quseeya amniga iyo doorashooyinka la filayo iney dhawaan dhacaan..
Mogadishu-Somalia