Waxaa garoonak Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siday deeq Dawo ah oo katimid Midowga Yurub.
Mas’uuliyiin katirsan Wasaaaradda Caafimaadka ee Dolwadda Soomaaliya ayaa la wareegay deeqdan oo u badan mid lagula tacaalo COVID-19 iyadoo Soomaaliya uu kasii yaraanayo cudurka.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde oo ay joogeen saraakiil ka kala socotay Midowga Yurub iyo Dowladda Federalka ayaa looga mahadceliyay cidii deeqdan soo dhiibtay, waxaana dowladda ay ballan qaaday iney gaarsiin doonto meelaha looga baahanyahay.
Dhowr jeer ayey dhacday in la musuqo oo suuqa lagu kala iibsado waxyaabaha dowladda Federalka deeq ahaan loogu keeno iyadoo aysan jirin cid loo soo qabqabtay.
Mogadishu-Somalia