Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulan ka yeeshay colaad beeleed ka taagan deegaano katirsan Gobalka Sool kuwaa oo sababay khasaaro kala duwan.
Maleeshiyo Beeleed ayaa isku hor fadhiyo deegaanada Horufadhi iyo Beeyo Macaan ee katirsan gobalka Sool, waxeyna Xildhibaanada ku baaqeen in dagaalada la joojiyo.
Xildhibaan Cawil Cismaan Dawiil, Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo labaduba ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo Xildhibaan Maxamed faarax Qabile oo ka mida golaha wakiillada ee Somaliland ayaa sheegay in ay muhiim tahay in deg deg ah loo joojiyo colaada ka taagan deegaanka Horufadhi , islamarkaana laga shaqeeyo nabadda wada noolaanshaha bulshada.
Xildhibaanada ayaa waxaa ay sheegeen in shaqaaqooyinka ka dhacay gobolka Sool ay wax badan u dhimi karaan nabada iyo xasilooniada Somaliland.
Mogadishu-Somalia