Waxaa maanta guud ahaan dalka ka bilowday Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka kaa oo kumanaaan arday ay ka qeybgaleyso, kaa oo wasaaradda waxbarashada Dowladda Soomaaliya ay qaadeyso.
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa maanta si rasmi ah Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ugu furay 34 kun oo arday.
Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare uu u furay in ku dhow 35 kun oo arday, kuwaa oo dhameystay Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare.
Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Dowladda Somaliya, ay ku guuleysatay in ay qaaddo imtixaanaad mideysan dalka intiisa badan.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa ardayda ku nool deegaanada Puntland u diiday iney galaan Imtixaanka, sidoo kale Ardayda ku nool magaalada Baraawe ayaa iyana gelin imtixaanka dowladda sababo la xiriira wasaaradda waxbarashada oo waxba ka soo qaadin ardayda reer Baraawe.
Ciidamada Booliska ayaa ilaalinaya amniga goobaha lagu gelaayo Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, waxaana goobahaasi laga dheehan karaa, sida loo adkeeyay amniga.
Goobaha lagu qaadayo imtixaanka ayaa waxaa sidoo kale ku sugan kormeere-yaal ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo iskuulada, si ay ardayda uga ilaaliyaan qishka.
Mogadishu-Somalia