Ganacsatada khaadka Kenya ayaa sheegay iney aad kaga xunyihiin diyaarad ay leeyihiin oo laga celiyay hawada taa oo siday dhowr ton oo jaad ah.
Diyaaradda ayaa ka soo duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxeyna u socotay magaalada Gaalkacayo dhanka maamulka Puntland halkaa oo sidoo kale ay shirko kula ahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.
Dowladda Federalka ayaa markii ay soo gashay hawada ku amartay iney dib u laabato.balse ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan diyaaradii dib looga celiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, taasi oo siday qaadka ama Jaadka loo yaqaano Miirooga.
Maamulka Miirooga ee Kenya ayaa sheegey in celinta diyaaraddan ay u geysatay dhaawac weyn oo dhaqaale, iyadoona ay xusid mudan tahay in bishii hore sidan oo kale ay Dowladda Soomaalya dalka uga celisay diyaarad qaad siday oo laga leeyahay Kenya.
Mogadishu-Somalia