Hal Natiijo oo ka soo baxday kulankii dhexmaray Farmaajo iyo madax goboleedyada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.
Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa kulanka goobjoog ka ahaa waxaana la isla faaqiday daruufaha ku xeeran doorashooyinka iyo muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo qaato go’aamo wax tar leh.
Kulankan ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan oo berry ku began.
Waxaa la isla gartay in uu shirka furmo iyadoo dalka uusan laheyn Ra’isul Wasaare taa oo meesha ka saareysa in marxaladda xiligan ay Soomaaliya ku jirto si dhameystiran looga gubdo.
Muqdisho-Soomaaliya