• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, January 21, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Caafimaadka

4 cunto oo ay Dhakhaatiirtu ku taliyaan in la cuno maalin kasta

October 16, 2020
in Caafimaadka
0
4 cunto oo ay Dhakhaatiirtu ku taliyaan in la cuno maalin kasta

4 cunto oo ay Dhakhaatiirtu ku taliyaan in la cuno maalin kasta

511
SHARES
1.5k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Cuntada aynu cunnaa waa halka uu ka bilowdo caafimaadkeenna runta ahi, iyada ayaa sabab u noqon karta caafimaad darro ka dhalata miisaan dheeraad ah iyo noocyo badan oo xanuunnada ka mid ah iyo caafimaadka oo wanaagsanaada labadaba.

Waxaa jira cuntooyin uu inta badan cilmigu ku taliyo in la caadaysto cunistooda, si uu jidhku uga helo faa’iidooyin nafaqo oo muhiim ah oo ay leeyihiin. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in cuntooyinka aynu cunaynaa ay noqdaan noocyo kala duwan.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa afar nooc oo ka mid ah cuntooyinka ay khubarada caafimaadku sheegaan in ay qasab tahay in aynu maalin kasta wax ka cunno ugu yaraan nooc ka mid ah:

SHAFKA DIGAAGGA:

Digaaggu waxa uu ka mid yahay cuntooyinka caafimaadka u fiican, gaar ahaan hilibkeeda ku yaalla shafka oo aynu uga jeedno inta ka soo hadha labada lugood iyo garbaha. Hilibka halkan laga soo jaraa waxa uu si gaar ah ugu fiican yahay dadka ku jira is xammaynta ay miisaanka kula dagaalamayaan. Waxa uu ka kooban yahay barootiinno saafi ah, dufankuna aad ayaa uu ugu yar yahay. Sida oo kale hilibka digaagga ee intan dhexe ku yaallaa waa cad caloosha u fudud, oo casho fudud noqon kara. Sidaas awgeed waxa ay xeeldheereyaasha nafaqadu ku taliyaan in la cuno hilibka digaagga.

KOOSTADA:

Caleenta koostadu waxa ay ka mid tahay khudradaha cagaaran ee ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in aynu maalin kasta hal mar cunno. Waxa ay xoojisaa xusuusta, waxa ay ka hortagtaa miisaanka dheeraadka ah waxa aanay u fiicantahay caafimaadka dheefshiidka.

Waxaa intaasba ka sii muhiimsan in koostada ay ku jirto maaddada ‘Lutein’ oo muhiimad aad u weyn u leh shaqooyinka maskaxda, kana hortagta in unugyadeedu aanay burburin ama hawlgabin.

LIIN BAYDARIIN:

Liin baydariintu waxa ay hodan ku tahay Faytamiin ‘C’ iyo maadadda loo yaqaanno ‘Pectin’ oo ka mid ah ganka lakabka ku ah derbiyada unugyada dhirta. Liin baydariintu waxa ay leedahay faa’iidooyin badan oo caafimaad. Waxaa ka mid ah dufanka (Kalastarool) oo ay jidhka ku yarayso, sida oo kale waxa ay wanaajisaa xaddiga sonkorta dhiigga ku lammaan.

KALLUUNKA SALAMON:

Noocyada kallunka badankoodu waxa ay hodan ku yihiin maaddooyinka ‘Magnesium’ iyo ‘Phosphorous’ laakiin kalluunka Salamon ka loo yaqaanno ayaa lagu tiriyaa in uu yahay kalluunka ugu fiican noocyada kalluunka, sababtuna waa in xaddiga maadadda ‘Magnesium’ ee ku jiraa uu ka badan yahay kalluumada kale oo dhan.

Maadaddan ayaa u wanaagsan shaqada habdhiska dareen-wadayaasha. ‘Magnesium’ oo jidhka ku yaraataana waxa ay sababtaa xaalado ay ka mid yihiin, Daal iyo burbur jidheed oo joogto ah iyo muquryada iyo neerfayaasha oo isku urura ama guntama. Diyaariye: Kamaal Marjaan

Mogadishu-Somalia

Share204Tweet128Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

January 21, 2021
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

January 21, 2021
Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In