Xaflad uu magaalada Baydhabo ku qabanayay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa waxa uu kaga hadlay walaaca doorasho oo ay qabaan musharaxiinta madaxtinimo ee dalka.
Waxa uu Ra’isul Wasaaraha sheegay inuu si dhaw ula socdo tabashada ay guddiyadaas ka muujiyeen musharraxiinta mucaaradka ee shirarka ku leh Xamar.
Waxa uu tilmaamay inuu la fariisanayo musharraxiinta, si uu uga dhaac-dhiciyo waxa ay yihiin guddiayda la magacaabay ee doorashada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hoggaamiyeyaasha mucaaradka uu la yeelan doono wada-tashiyo gaar ah, si xal mideysan loo wada-gaaro.
Mogadishu-Somalia