Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadlay aamusnaanta Farmaajo ee dhalinyaradii xalay lagu laayay Magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaaxi lagu caweeyo oo ku taalo garoonka Aadan Cadde agtiisa.
Mahad Salaad ayaa sheegay in Farmaajo uusan laheyn damiir naxa islamarkanaa uu cadow u arko shacabka SOOMAALIYEED ee ku nool Xamar
Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro!
Da’yartaas cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay ilaa hada Farmaajo tacsi uma dirin, masiibada dhacdayna sooma hadal qaadin. Sida muuqata dadka Xamar ku nool waxa isku bahaystay cadow farabbadan oo hal ujeedo leh lkn wadada loo marayo iyo magaca la adeegsanayo ay kala duwanyihiin.
Dadkaan Cidna uma Maqna Ceelna uma Qodna ee hurdada halaga kaco si hambada hartay loo badbaadiyo.
Mogadishu-Somalia