Ilo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan albaabada u xiran uu iney wada qaateen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, waxaana wararku sheegayaan in kulankaas qeyb ka yahay Taliyaha awoodda badan ee Nabadsugida Fahad Yaasiin.
Kulankan ayaa ku soo aaday xilli xaalada siyaasadeed ee dalka ay marxalad xasaasi ah mareyso, isla markaana muran uu ka taagan yahay Guddiyadda doorasho ee dhowaan la magacaabay.
Lama oga in kulankan looga arrinsanayo iyo in kale arrinta Guddiyada doorashada heer dowlad goboleed iyo kuwa heer Federaal ee muranka ka taagan iyo haddii dowladdu qorsheyneyso inay wax ka bedel ku sameyso, maadaama Musharaxiinta Mucaaradka bayaan ay soo saareen kaga dalbaday dowladda inay kala dirto Guddiyada doorashada oo lagu daray askar ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha rayidka.