Guddi ka kooban 28 xubnood oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Dalka ayey maanta ay ku dhawaaqeen golaha midowga musharaxiinta.
Afhayeenka Midowga Musharrixiinta, Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in guddiga ay magacaabeen ay ka shaqeynayaan sidii ay doorasho xor iyo xalaal ah oo qof walba ku qanacsan yahay dalkan uga dhici laheyd.
Magacaabista guddigan ayaa imaneysa, ayada oo Guddiga doorashada heer federaal ay maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku doorteen guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa. Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo doortay Maxamed Xasan, halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen.
Mogadishu-Somalia